- Halkaan waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan sharciyada ka jira Stavanger
Warbixin ku saabsan covid-19 ee degmada Stavanger
Marka la soo koobo
Information in other languages
- Information about corona virus – English
- Informasjon om covid-19 i Stavanger kommune – Norsk bokmål
- Koronawirus: Ważna informacja – polski
- معلومات حول كوفيد-19 في بلدية إستفانغر – العربية
- Informacija apie Covid-19 Stavanger savivaldybėje – lietuvių
- Informaţii privind covid-19 în Stavanger – română (România)
- اطلاعات در مورد کووید ـ ۱۹ در کمون یا شهرداری ستاوانگر – درى

Go'aan, talo iyo sharciyo ku socda Stavanger
Waxaa ku jira xeerarka qaranka iyo kuwa deegaanka labadaba
- Ka fogow isticmaalka gaadiidka dadweynaha.
- Isticmaal maaskaro (Af dabool) haddii aad booqanayso guryaha daryeelka ee dadka waawayn lagu hayo iyo hadii aad weli ku safrayso gaadiidka dadweynaha (oo ay ku jiraan taksi).
- Ku isticmaal qalabka afka lagu xirto meelaha dadweynaha (dukaamada, xarumaha ganacsiga, maktabadaha, matxafyada, bandhigayada sawirada (gallerier) iyo hoolalka magaalada) marka mitirka koronaha aan lakala fogaan karayn.
- Iska ilaali in ay marti 5 qof ka badan ay kugu timaado guriga
- Qof kasta oo awooda inuu gurigiisa ku shaqeeyo, waa in ku shaqeeyaa (hjemmekontor).
-
Dadka qaangaarka ah ee ka weyn 20 jir, waa ka mamnuuc isboortiga abaabulan iyo waxa la sameeyo wakhtiga firaaqada ah ee lagu sameeyo gudaha dhammaan. Isboortiga iyo waxa la sameeyo wakhtiyada firaaqada ah ee loogu talagalay bannaanka dhammaan kooxaha oo dhami waa in aanay ka badan 10 qof, marka ay dadka ka weyn yihiin 20 jir.
-
Dhallanyarada da'dooda ka yar tahay 20 sano, waxay ku qaban karaan isboorti abaabulan iyo ciyaarta madadaalada gudaha iyo dibedda. Gudaha tirada kama badan karto 10 qof. Ma jiro xayiraad kooxeed (wax dheeraad oo ku saabsan shuruudaha fogaanshaha ee loogu talagalay isboortiga iyo ciyaarta madadaalada, ka akhriso Agaasinka Caafimaadka).
- Baararku waa in ay joojiyaan khamri iibinta.
- Waa mamnuuc kulamada / ciyaaraha gudaha in ka badan 10 qof in ay ka qeyb galaan markiiba.
- Waa mamnuuc kulamada gaarka loo leeyahay (private) in kabadan shan qof meel fagaare ah ama meelaha kirada ah.
- Haddii aad dooneysid inaad samayso kulan/xalfad 10 qof ama in ka badan, waa inaad ka diiwaangelisaa websaydhka degmadda.
- Ugu badnaan shan qof ayaa isugu imaan kara shirarka gaarka loo leeyahay ee ka baxsan gurigaaga, sida xafladda dhalashada ee lagu qabto hoolalka kirada ah. Haddii uu qoysku ka badan shan qof oo ay isku guri dagan yihiin, dabcan qof kasta oo ka tirsan qoysku waa uu ka qayb qaadan karaa.
Stavanger oo kaliya:
- Saacadaha booqashada ee guryaha daryeelka dadka da'da ah waxaa lagu koobay saacadaha 17.00-19.00. Tirada dadka soo booqan kara qof kasta oo xarunta daryeelka dadka waawayn dagan waa 1-2 qof oo joogto ah.
Talooyinka qaranka iyo tilmaamaha
Ku socota qofka loo sheegay in uu galo karantiimo ama gooni-u-bax guriga ah
Su’aalo guud oo ku saabsan fayrusta koroonada ah
Warbixin loogu talagalay qofka laga qaaday shaybaarrada dhiigga
Soo gelitaanka Norway – xeerarka karantiilka iyo baaritaanka
Talo ku socota dadka khatarta ugu jira inay cudur xun ka qaadaan COVID19